Ra’isul wasare dalka somalia ayaa galabta dib ugu soo laabtay magalada muqdisho isagoo safaro shaqo ku tagay qaar kamid ah degmoyinka galgaduud. Degmooyinka uu safarka ku tagay Dr.Saacid ayaa kala ah dhuusamareb,caabudwaaq iyo cadaado islamarkasna kulamo la qaatay maamulada degmooyinkaas isagoo ugu baaqay in ay síi xoojiyaan amaanka deeganadooda. Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maalmihi ugu dambeyay kormeer uu ku tagay Galgaduud waxaa maanta uu kusoo gabo gabeeyay magaalada cadaado halkaas uu kula kulmay maamulka xibin iyo xeeb.




