Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kulamo kula qaatay magaalada Galkacyo ee xarunta Maamulka Galmudug oo kamid ah maamul goboleedyada dowladda Somalia ay aqoonsan tahay.
Dr Saacid ayaa kulan Albabada uu u xeran yahay la yeeshay Madaxweynaha Mamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyadoo aan la ogayn waxa sida rasmiga ay ugu wada hadleen labada dhinac.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa kulamo la leh maalintiii 2-aad Qeybaha kala duwan ee Bulshada Galkacyo isagoo kulamo sidoo kale la qaatay dhinacyada kala duwan Bulshada Galkacyo.
Dr Saacid ayaa sidoo kale booqday goob la sheegay in Maamulka Galmudug ay ka dhisi rabaan Garoon diyaaradeed.
Si kastaba Safarka Ra’iisul Wasare Saacid uu ku tagay magalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa ah mas;uulkii ugu sareeyay ee Dowladda oo Safar ku taga Halkaas.




