Labada dal ee horey u kala go’ay ee Sudaan iyo koonfurta Sudan ayaa ku guuleystay inay heshiis rasmi ah ku gaaraan wadahadalkii uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waan waanta laga dhexwaday Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa waxaa hormuud u ahaa Midowga Afrika, wuxuuna wadahadalka soo socday bilihii lasoo dhaafay. Labada dhinac ayaa ku guuleystay Xalay inay kala saxiixdaan heshiis lagu kala qaadayo ciidamada is horfadhiya.
Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa qoraya in Batroolka laga soo saaro Koonfurta Sudan in lasii marsiiyo dhuumaha shidaalka qaada ee dalkaasi Sudan, si caalamka loogu iibgeeyo, arrintan oo fursad u siineysa labada dhinac inay dib u bilaabaan soosaarka bartoolka.
Labada dal ee Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa sanadkii lasoo dhaafay qarka u fuulay inuu dagaal balaaran dhexmaro kadib markii ay shaqaaqooyin ka dhaceen gobalada saaran xadka dhexmara labadaasi dal. Labada dhinac ayaa sidoo kale midba midka kale ku eedeenayey inuu taageero jabhadaha kasoo horjeeda.
Heshiiskan ayaa wuxuu qorayaa in labada dal xadka u dhaxeeya laga sameeyo goobo ka caagan militariga si looga fogaado iska horimaadyo dhexmara labada dhinac, loona xaqiijiyo amaanka xaduuda




