Xeerka ay dhawaan soo bandhigtey wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta ayaa waxaa ka hor yimid gebi aanba xeerka ay dhawaan soo bandhigtey xukuumada dr saacid.
Ugu horeyn waxaa xeerkan ka horyimid xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed waxaanu sheegey kusimaha gudom.xisbiga ahna gudomiye kuxigenka xmjs cali maxamed nuux timajilic in xeerkani uusan waqtigan munaasib aheyn,uuna u muuqdo mid koox kaliya sameysey,lagagana hortagayo in cid aan aheyn cidda sameysey ayna ku yeelan tixgelin xaga adeegsiga warbaahinta,waxaanad u maleysaa in dawladu boob ku heyso in ay keligeed maamusho wax bulshada u dhaxeeya,warbaahinta dawlada u gaarka ah anaga ma isticmaalno mana loo ogola cid aan dawlada aheyn,ayuu yiri timajilic.
Sidaas oo kale waxaa xeerkan ka horyimid hey’adda IFJ iyo wax garad kale oo soomaali ah ayaa sheegey in xeerkani aanu anfaceyn saxaafada soomaaliya waana in gebiisba la tuuro dibna loo qabto gudi ka kooban qebaha kala duwan ee bulshada si loo sameeyo xeer bulshada u dhaxeeya oo aan cid gaara u xaglineyn.




