Waxaa caawa lagu weerarey bamka la tuuro maqaaxi ku taal wadada maka almukarama kasoo horjeedka saldhiga boliska deg.waaberi.
Bamkan ayaa geystey dhaawaca shan qof oo u badan dad rayid ah,kuwaasoo ay ku jirto haweeney maqaayada laheyd,waxaana markiiba goobta hareereeyey ciidamada nuucyadooda kala duwan lamana sheegin in la qabtey qofkii bamka tuurey hase yeeshee waa laga yaabaa in ay jiraan dad tuhunka qaraxan loo qabqabtey,mar aan isku deyney in aan la xiriirno saldhiga waaberi wey noo suurogeli weysey.
Lama oga waxa ka danbeeya iyo sababta bamkan loogu tuurey meel dad rayid ah ay ku caweynayaan oo ku ganacsanayaan iyadoo saldhiga booliska ay wada oo kaliya u dhaxeyso,waxaana sidoo kale leys weydiin karaa sababta loo qabanwaayey dabiilaha falka geystey iyadoo ciidamadu halkaas ay ku badanyihiin.




