Xarakada alshabaab oo sheegatey dilkii taliyihii nabadsugida degmada shibis cali abooto.

0
511

Xarakada alshabaab ayaa sheegatey in ay dileen sarkaalki lagu diley degmada shibis kaas oo ahaa taliyihi nabadsugida degmada shibis.

Abu muscab afhayeenka hawlgalada alshabaab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa yiri waxaan dilney mid kamid ah jawaasiista waa sida uu hadalka u yiriye,isagoon sheegin in uu ka tirsanaa iyaga nin loo diley dilka sarkaalka oo hey’ada nabadsugidu meydkiisa soo bandhigtey,abu muscab ayaa sidoo kale sheegey in ay isna ka danbeeyeen qarax maanta ka dhacey saldhiga boliska galkacyo dhinaca puntland.

Xarakada alshabaab ayaa sheegta mar kasta ficilada iyo hawlgalada ay ku qaadaan meelaha ay joogaan ciidamada dawlada iyo kuwa huwanta dalka jooga,sheegashadaas oo keeni karta in ay waxyaabo kale ka dhalan karaan,kuwaas oo u muuqda in aan dhinacaas laga fiirin.