Madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya prof.xasan sheekh maxamuud iyo gudoomiyaha barlamaanka prof. Maxamed sheekh cusmaan jawaari ayaa si kala gooni gooni ah ula kulmey xubno ka socdey barlamaanka dalka burundi oo uu hugaaminayey gud.gudiga difaaca barlamaanka dalka burundi hakia zamaana imiiliya.
Madaxda dawlada soomaaliya iyo xubnahan ayaa ka wada hadley sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo adkeynta nabadgelyada dalka soomaaliya iyagoo gudigani sheegey in ay booqan doonaan dhamaan saldhigyada iyo xarumaha ay degenyahiin ciidamada burundi ee dalka soomaaliya jooga,si ay u gaarsiiyaan fariimo ay uga sidaan qarankooda burundi.
Waa markii ugu horeysey ee gudigani yimaado dalka soomaaliya,waxaana dalka burundi soomaaliya ka jooga ciidamo ku dhaw ilaa afar kun oo askeri,waana ciidamada labaad ee dalka ku sugan waxaana tiro ahaan ka badan oo kaliya dalka ugandha kuwaasoo ugu badan ciidan ahaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya.




