Wasiirka arrimaha gudaha oo airportka kismaayo ka soo laabtey salaan maqaarsaar ahna ka qaatey ciidamada dalka kenya…

0
483

Waxaa maanta booqasho ku aadey kismaayo wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xuseen guuleed,hase yeeshee nasiib darro wasiirka iyo wafdigii la socdey waxey kasoo laabteen airportka kismaayo.

Lama oga sababta ka danbeysa in wasiirka iyo wafdigiisa ay gudaha u geli waayaan magaalada oo isla markaa aysan u sheegeen sababta kaliftey in wasaaradi arrimaha gudaha iyo xukuumadi ay marti ka noqoto meel ay maamul ahaan u sheegayaan in ay hoostimaad dawlada dhexe.

Ciidamada kenya oo sheega in ay kamidyihiin ciidamada amisom ayaa wasiirka iyo wafdigiisa salaan indhasarcaad ah ku siiyey garoonka,dabadeedna ay wafdigu dib muqdisho ugu soo laabtaan,iyadoo la sheegayo in wasiirku la kulmey qaar kamid ah maamulka uu hugaamiyo shekh axmed madoobe.

Waa markii labaad ee madax dawlada dhexe ka socda laga celiyo magaalada,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo sadex iyo labaatanki bishan uu dagaal ku dhexmarey labo maleyshiyo beeleed kismaayo ku wada sugan,taas oo salka ku heysa gacan kuheynta iyo xukunka magaalada iyo maamulka la rabo in jubooyinka loo dhiso.