Gudoomiyaha gudiga maamul u sameynta gobolada jubooyinka ayaa sheegey in ay gar iyo gardaraba dhisayaan maamul ay leeyihiin gobolada jubooyinka,macalim maxamed oo la weydiiyey waxa ay ku wada hadleen wafdigii uu hugaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ay ku jawaabey:
anagu dawlada waxaan ka codsaney in ay ka soo qeybgalaan shirka maamul u sameynta gobolada jubooyinka,ayna ka cudurdaarteen isla markaana ay iyaguna ka codsadeen in ay xamar u raacaan taas oo aan annaguna diidney oo aan loo baahneyn.
Ismaandhaafka u dhaxeeya dawlada dhexe iyo maamulka kmg ah ee uu hugaamiyo sheekh axmed madoobe ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoo la dareemayo in ciidamada kenya ay gadaal ka taaganyihiin khilaafaadka soomaalida dhexdeeda ah.
Maahan markii ugu horeysey ee ay gudigani shaaciyaan in ay maamul dhisayaan,hase yeeshee waxey qirayaan in ay jiraan caqabado shirka looga hortagayo sida dagaalki 23ki bishan kismaayo ka dhacey oo uu sheegey in ay tuhunsanyihiin in shirka lagu carqaladeyn rabey hase yeeshee laga heshiiyey dagaalkaas laguna dhameeyey wada hadal…




