In dhowaalaba shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadka waxgaradka ah waxay isla dhex marayeen xan ku aadan inuu jiro khilaaf marba marka ka sii dambeysa soo baahaya oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyoRa’iisal Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, khilaafkaasi oo salka ku haya loolan xagga awooda ah oo u dhaxeeya labada nin iyo kala aragti duwanaansho xoog leh oo soo kala dhex gashay mas’uuliyiintaasi ka mid ah madaxda ugu sareysa Qaranka Soomaaliya, kuwaasi oo mid walba oo labadooda ka mid ah uudoonayo in tiisa gaarka ah la qaato.
Inkastoo khilaafkaan in muddo ahla qarinayay ayaa wuxuu soo ifbaxay dhowr cisho ka hor markii uu magaalada Muqdisho soo booqday madaxa USAID ee dalkaasi Mareykanka Mr. Rajiv Shah, kaasi oo Madaxweynaha iyoRa’iisal Wasaaraha Soomaaliya si kala gooni gooni ah ugula kulmaygaroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu Mr. Shah ka gows adeygay inuu booqdo madaxtooyada Soomaaliya, sababo uu ku macneeyay amnigiisa awgeed.
Sheekada khilaafkaan waxay dibadda u soo baxday markii uu Ra’iisal Wasaaruhu yimid garoonka Aadan Cadde si uu u arko madaxa USAID ee Mareykanka oo xilligaasi garoonka ku sugnaa, ha yeeshee wakhtiga uu Ra’iisal Wasaaruhu soo gaaray madaarka Muqdisho waxaa socday shir jaraa’id oo ay wada qabanayeen Madaxweynaha iyo Mr. Rajiv Shah,balse Ra’iisal Wasaaruhu markii uu arrintaasi ogaaday waxa uu kucararay qeybta maamulka ee Hay’adda Saadaasha hawada ee ku taala isla garoonka Aadan Cadde, halkaasi oo Ra’iisal Wasaaruhu iska fariistay ilaa uu Madaxweynuhu ka dhameysto howlihii uu garoonka u tegay.
Daqiiqado kaddib markii uu Madaxweynuhu ka soo dhaqaaqay garoonka diyaaradahaAadan Cadde ayaa mar kale waxaa Saxaafadda lagu wargeliyay inuu jiro kulan kale oo u dhaxeeya Ra’iisal Wasaare CabdiFaarax Shirdoon iyo wafdigii USAID, taasi oo noqotay hal xiraale cusub, iyadoo saxafiyiin badan ay bilaabeen inay isweydiiyaan sababaha dhaliyay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo kala dhuuntaan, iyagoo si kala gooni gooni ah ula kala kulmaya wafdigaasi Mareykanka ka socday, iyadoo la heli karayay inaysi wadajir ah u qaabilaan xubnaha uu ka koobnaa wafdigaasi.
Arrinta khilaafkaan waxay mar kale sidii dayax afar iyo tobanaad oo kale ay u soo daahirtay markii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay labaduba ku guul dareysteen inay meel qura ku wada qaabilaan, Ra’iisal Wasaare K/Xigeenka dalka Turkiga Mr. Baker Bozdag oo maalinimadii Sabtida ahayd soo booqday Muqdisho, kaasi oo isna labada mas’uul mid walba goobtii uu calaamadeystay kula kulmay, iyadoo Madaxweynaha ay isku arkeen xarunta Villa Somalia, halka Ra’iisal Wasaarahana ay ku kulmeen hoygiisa magaalada Muqdisho.
Dhacdooyinkaan ayaa waxay yihiin kuwo caddeyn u ah khilaafka u dhaxeeya Prof. Xasan iyo Dr. Saacid, waxayna arrimahaani muujinayaan inay gebi ahaanba go’day kalsoonidii iyo wada shaqeyntii u dhaxeysay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, iyadoo tani ay hubaal ka dhigeyso sida ay madaxdani u kala tagsan yihiin, xaglahooduna ay isu soo dayayaan.
Marka aad booqato fariisimada labada hoggaamiye ee Xasan iyo Saacid ama aad la kulanto taageerayaasha labadaasi mas’uulwaxaa kuu soo baxaya qoto dheerida khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo koox walba ooka tirsan dhinacyada is haya ay kugu afuufeyso eedo iyo dhaliilo uu midba midka kale u jeedinayo, haday tahay kuwo Madaxweynaha loo jeedinayo ama kuwo Ra’iisal Wasaaraha loo jeedinayo.
Taageerayaasha Madaxweynaha oo aan qarsaneynin cambaareynta ay u jeedinayaan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kuu sheegaya in ra’iisal Wasaaraha uu noqday la mood noqonse waa ayna haboon tahay inuu is casilo ama in xilka looga qaado mooshin ay sheegeen inay diyaarinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, iyagoo intaasi raacinaya in Ra’iisal Wasaaraha ay ku maqan dhaqaalefara badan oo gudaha dalka yiilay,isla markaana uu si sharci darro ah isu raaciyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Gaadiidka cirka iyo Dhulka oo aan shaqaba isku lahayn, halka xoogagga daacadda u ah Ra’iisal Wasaaraha ay iyagana la cad cad yihiin eedaha ay u jeedinayaan Madaxweynaha, iyagoo kuu sheegaya in Madaxtooyada laga la’yahay inay caddeyso oo ay keento dhaqaalihii deeqaha ahaa ee dhowaan laga keenay wadamada Carabta iyo eedo kale oo ay ka mid tahay in dhaqaalihii dalka uu Madaxweynuhu ku aaday safaro aan macno badan sameyneynin iyo inuu Madaxweynuhu maroorsanayo awoodihii Ra’iisal Wasaaraha ee uu dastuurku siiyay iyo in dowladda oo idil laga wada dhigourur diimeedka DAMUL-JADIID oo ah koox ay Madaxweynaha is af yaqaanaan iyo eedo kale.
Waa nasiib darro aad u fool xun in madaxdii sarsare ee Dowladda ay kala socdaan, isla markaana ay is barbar ordayaan, iyagoo lumiyay xiriirkii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay, iyadoo mid walba oo iyaga ka mid ah uu u xusul duubayo sidii uu u kororsan lahaaawoodiisa, taasi oo keeni kareysa inuu khilaafku sii xoogeysto ilaa uu ka gaaro heer aad u xun




