Shir la sheegey in lagu dhexdhexaadinayo beelihi shaley ku dagaalamey kismaayo oo maanta furmey.

0
532

Waxaa maanta ka furmey magaalada kismaayo shir la sheegey in lagu dhexdhexaadinayo beelihii shalley ku dagaalamey kismaayo,waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinacba ay shirka soo xaadireen hadana lama soo sheegin natiijo iyo afgarad lagu gaarey.

Shirka ayaa la sheegayaa in ay soo qabanqaabiyeen ciidamada kenya saraakiishooda kismaayo ku sugan,iyadoo dhinac ka mid ah labada dhinac uu ku eedeeyey in kenya ay dagaalki shaley kula jirtey dhinacii kasoo horjeedey taas oo u muuqata in asan xal ka keeni karin ciidamada dalka kenya ku luglahaanshahooduna uu keeni karo oo keliya khillaafka oo sii dabadheeraada.

Shirkan looga wada hadlayo shaqaaqadi shaley ka dhacdey kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayey in shir ka furmo kismaayo kaas oo maamul loogu sameynayo gobolada jubooyinka,waxaana la filayaa in shirkaasi ku xiranyahey khilaafaadka oo marka hore la xalliyo.