Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 24ka feberwery kuna aadaneyd maalinta loo asteeyey ciidamada asluubta soomaaliyeed ayaa muqdisho loogu dabaaldegey.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galey wasiiro ka tirsan xukuumada dr saacid maamulka gobolka banaadir,taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf lagu casumey xaflada,waxeyna dhamaantood wada qireen doorka ciidamada asluubtu ay ku leeyihiin amniga iyo anshaxa dalka ayna lagama maarmaantahey in la daryeelo maadaama aysan sadex bilood wax mushaar ah qaadanin.
Munaasabada sanadguurada ciidanka asluubta ayaa la muujiyaa sanadkasta 24ka bisha febaraayo,hase yeeshee munaasabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli xabsiga dhexe ay ku xiranyihiin maxaabiis ku dhaw ilaa 2000(laba kun).




