Wax yaabaha maankadooriya oo maanta lagu qabtay degmada Xamarweyne Iyo Ragii Iyo Dumarkii Ibinayay Losoo Qabtay

0
485

Ciidamo badan oo katirsan maamulka degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa waxay soo qabteen dad ku mashquulsanaa iibinta iyo ka gancsiga wax yaabaha maanka dooriya ee Qamriga loo yaqaan.

Taliska ciidamada degmada Xamarweyne ayaa sheegay in dhamaan dadkaasi ay gaarayaan 13 ruux kuwaasi ay ku jiraan 2 dumar ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada.

Taliyaha saldhiga degmada Xamarweyne Maxamed Daahir Cabdulle ayaa warbaahinta Warsom u sheegay in dhamaan 1 ruux ee lasoo qabtay ay ahaayeen dad ku mashquul sanaa sameyn waxyaabaha maanta dooriya sida “Calaq” iyoi waxyaabo kale.

Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdulaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay inay la dagaalamayaan wax walbaa oo wax u dhimaya amaanka degmadaasi.

Qamriga ayaa ka koobnaa 50 dhalo.

(W/D) {Axmed Cabdi Axmed } [Axmed Saacid]