Sarkaal u shaqeynayey hay’adda bisha cas oo kismaayo lagu dilley.

0
545

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda bisha cas ayaa lagu toogtey kismaayo,sarkaalkan oo la sheegey in uu ka soo jeedey beelaha muqdisho ka soo jeeda ayey eheladiisii ku eedeeyeen maamulka ka arrimiya kismaayo ee uu axmed madoobe hugaamiyo.

Dhanka kalena gudoomiye ku xigeenka maamulkaas kmg ah sheekh ibraahim dheere ayaa beeniyey in maamulku uusan wax lug ah ku laheyn dilka marxuumkaas ayna u tacsideynayaan eheladii uu ka baxey isagoo dilka marxuumka saarey nimanka isasoo qariya ayaa ka danbeeyey oo uu ula jeedey xarakada alshabaab,ma jirto buu yiri shekh ibraahim sabab ay maamulku ugu lug yeelan karaan dilka muwaadin soomaaliyeed,isagoo sheegey in ay ku raad joogaan gacankudhiigleyaashi ayna sharciga hor keenidoonaan insha allaah.

Maahan markii ugu horeysey oo kismaayo lagu diley dad rayid ah oo aan waxba galabsan tan iyo goortii ay gacankuheynta magaalada kismaayo la wareegeen ciidamada kenya oo ay la socdaan kuwa dawlada soomaaliya raaskambodiyiin iyo kuwa ahlusuna waljameeca.