Waxaa maanta oo ay tr aheyd 17/feberwery 2013 ay ku beegneyd aas aaski ciidamada badda soomaaliya oo ay kasoo wareegtey 52 sano markii dhidibada loo taagey,waxaana mar labaad boorka laga jafey 5sano ka hor kadib burburkii qaranka.
Ciidamada badda soomaaliya ayaa waxaa dib usoo nooleyntooda aqoon iyo waqti u hurey taliyaha ciidamada badda waqtigan admiral faarax qare ahna prof. hugaamiya mid kamid ah jaamacadaha ku yaal muqdisho,isagoo maanta soo bandhigey wax la filanwaayey iyo cudud laga baqo oo ay dadka soomaaliyeed mar kale heleen,taas oo khal khal ku ridey dawlado doonayey in ay qaramada midobey ka helaan hanti ay badaha soomaaliya uga hawlgalaan.
Wasiirka gaashaandhiga c/xakiim fiqi oo ka qeybgaley munaasabada ayaa u mahadceliyey intii ka qeyb qaadatey abaabulkan quruxda badan gaar ahaan wuxuu si aad u sareysa ugu mahadceliyey admiral faarax cumar taliyaha ciidamada badda soomaaliya isagoo wasiirku sheegey in ay hawl geli doonaan dhamaan qeybihii ciidan ee dalkeenu lahaa sida ciidamada cirka,badda,berriga iwm.
Wasiirka ayaa hambalyo u direy dhamaan ciidamada badda iyaga iyo qosaskooda meeley joogaanba isagoo u rajeeyey horumar iyo wanaag sanadkan sanadkiisana uu alle ku gaarsiiyo caafimaad iyo cudud mideysan,oo dalkeenu ku ciil baxo,iyadoo ay xaflada ka hadleen madax iyo saraakìil badan ayaa xafladu ku soo idlaatey jawi hagaagsan.




