Dawlada dalka ingiriiska ayaa sheegtey in ay dalka soomaaliya ka furanayaan safaarad iyagoo dalka soomaaliya usoo diri doona cìidamo tiradooda aan la sheegin oo soomaaliya imanaya.
Dawlada ingiriiska ayaa wax ka bedeshey aragtideeda ku wajahan soomaaliya waxeyna u egtahey in ingriisku hadda hayo waddo in badan uu doon doonayey,taas oo dad badan xasuusineysa dagaalki sadex geesoodka ahaa waqtigi xoriyad gaarsiinta soomaaliya ee talyaanigu ku adkaadey khiyaano iyo qish uu istimaaley.
Lama oga waxa ka danbeeya balan qaadyada iyo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya ingriiska iyo soomaaliya,waxeyna tani imaneysaa iyadoo dhawaan m/weynaha soomaaliya uu booqasho ku tagey dalka ingiriiska isla markaasna la kulmey boqortooyada iyo madaxda hugaamisa dalka ingriiska,waxaana warkan shaaciyey waaxda gaashaandhiga dalkaasi ingiriiska.




