Gudoomiyaha gudi uu magacaabey maamulka kmg ee uu hugaamiyo sheekh axmed madoobe ayaa sheegey in ay meel fiican u mareyso qabanqaabada shirweynaha la doonayo in lagu dhiso maamul goboleed layiraa jubaland state.
Macalim maxamed oo ah gud.gudiga qabanqaabada oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ergooyinkii shirweynuhu ay badankoodu yimaadeen inta dhimana ay filayaan in ay labada maalmood gudahooda ku imaandoonaan,isagoo ugu baaqey qof kasta oo goboladaas kasoo jeeda ay ra’yigiisa iyo aragtidiisa soo dhaweynayaan,wuxuuna meesha ka saarey imaatin beryahan la sheegayey in shekh axmed madobe muqdisho soo gaaro,si uu kulan ula yeesho madaxda dawladda dhexe.
Shirkan oo hore loo sheegey in uu 23ka bishan furmayo ayaa waxaa kasoo horjeeda beelo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolada jubooyinka,ilaa hadana lama oga mawqifka dawlada dhexe iyo waxa ay ka qabto shirka kismaayo loo balansanyahey in lagu qabto.




