Munaasabad Xalay Galinki Dambe Ka dhacdy UK oo La Sheegay In Ay Ka Dhex Muuqatay Musuq Maasuq Baahsan Kadib Markii Ay Dad badan oo ku jirey liiska Qudbadaha laga saarey kuwaas oo dadka qaarkiis ku doodayeen in hayb qabiil looga saarey waxaana ka mid ahaa Abwaanka caanka ah ee Cabdi Shire Ciyaar jecel oo lagu beddalay nin Kale.
Xaflada Ayaa La Sheegay In Ay Isku Badashay Foodo Iyo Buuq, waxaana ceeb ka dhacdey Meckraha kadib markii ay si khasab ah ku qabsatey Mid Ka Mid Ah Haweynkii Ku Sugnaa Goobta iyada oo weli telefishanadu si toos ah u tabinayaan Waxayna Tirri,
“qurba joogta UK shir deg-deg ah ha isugu yimaadeen, uma dulqaadan doono wixii caawa meesha ka dhacay”.
Madaxweynaha oo ay isku gaadaameen koox lagu eedeeyey in ay dadkii kala qaybiyeen
Dadka taageersanaa Madaxweynaha isla markaana ka soo niyad jabay xafladdii xalay ayaa sheegaya in koox hab beeleed u abaabulan in ay afduubteen xafladda isla markaana shaqaalaha la socdey Madaxweynaha ay ahaayeen kuwo qudhoodu aan lahayn haybad Qaranimo.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa dhalinyaro boqolaal ah oo kasoo jeeda Jubbooyinku ay ku mudaaharaadeen xili uu ku sugnaa dalka Maraykanka, waxaana la is weydiinayaa sababta dib u soo celisey boogaha bogsoodey, maxaa kalifey in madaxweynaha oo ka soo jeeda bulshada rayidka ah ay is arkaan beelaha qaarkiis? Arrimaha caynkan oo kale ah maxay horseedayaan?. Iyada muddadii a doortey Madaxweynaha aysan ka soo wareegin 6 bilood sidee ayey noqon Waqtiyada Soo Socota?.




