R/wasaare cabdi faarax shirdoon oo maanta la kulmey ergeyga midawga yurub gudaha magaalada muqdisho.

0
467

Waxaa maanta r/wasaare saacid uu kula kulmey ergeyga midawga yurub,kaas oo balanqaadey in yurub ay taageereyso xukuumada uu hugaamiyo dr saacid iyo shacabka soomaaliyeedba.

Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya ayaa kol hore barasels xarunta midawga yurub ee dalka biljem shir uu kaga qeyb galey kaalmo soomaaliya codsatey waxaa ka horyimid dawlada talyaaniga oo xubin ka ah midawga yurub iyadoo ku andacootey in ay dawlada talyaanigu ka rabto xukuumada soomaaliya hanti dad talyaani ah laga heysto oo u badan dhismayaal muqdisho kuyaal iyo beero taas oo uu madaxweyne xasan sheekh uu balanqaadey in hantida talyaaniga laga heysto dhaqso loo soo celinayo,iyadoo la magacaabi doono gudi isku dhaf ah oo ka kooban labada dawladood ayna soo gudbindoonaan hantida talyaaniga uga maqan dalka soomaaliya,dawlada talyaaniga oo hore u gumeysanjirtey soomaaliya hadiiba hanti loo celinayo maxaa lagu qiimeyn karaa sanadihii uu dadka soomaaliyeed gumeysanayey iyo dadkii uu laayeyba.

Safiirka midawga yurub ayaa markii labaad la kulmaya madaxda dalka ugu sareysa,waxaana soo badanaya imaatinka madaxda iyo dublamaansiyinta ka kala socota caalamka,kuwaasoo hore aan soomaaliya u imaanjirin,ififaalaha nabada iyo xasiloonida la dareemayo awgeed.