Waxaa shaley galab degmada wardhiigley dhexdeeda dil loogu geystey allaha u naxariistee gudomiyihii dhalinyarada degmada wardhiigley shuceyb axmed maxamuud.
Gudoomiyaha ayaa waxaa toogasho ku diley askeri ka mid ah askarta degmada ka dhex shaqeeya iyadoon la heyn sabab ay isugu yimaadeen askeriga iyo marxuumka,hadaba waxaa kulan ku yeeshey gudoomiyeyaasha 17ka degmo ee uu gobolkan banaadir ka koobanyahey iyagoo cambaareeyey ficilkaas murugada xambaarsan,isla markaana tacsi tiiraayo leh u direen eheladii iyo qaraabadi uu ka baxey codsadeyna in sharciga la mariyo gacan ku dhiiglaha oo wali si xor ah isaga jooga goobti uu marxuumka ku diley.
Sidoo kale waxey sheegeen gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir in aysan wax mushaar ah ka qaadanin gobolka iyo dawlada dhexe midna,hadii si dhaqso leh gacan kudhiiglaha aan sharciga loo marina ay joojin doonaan hawlaha si tabaruca ah ay qaranka ugu qaban jireen,mana jiraan wax hadal ah oo kasoo baxey dhanka maamulka banaadir.
Waa markii ugu horeysey ee xubnaha ka shaqeeya qaybaha bulshada ay cabashadaan soo gudbiyaan iyadoo madaxweyne xasan sheekh uu hore u sheegey in la dilayo qofkii qofkale ku dila si sharci darro ah iyo ninki kufsi kula kaca gabdhaha soomaaliyeed isagoon m/weynuhu sheegin waxa lagu falayo ninka kufsada gabar aan soomaali aheyn.




