Gudoomiyaha gobolka sh/hoose maxamed nuur seydii ayaa sheegey in ay soo weerareen rag hubeysan oo uusan sheegin cidda ay yihiin,gudoomiyaha oo warar leysla dhexmarayey ay sheegayeen in warbaahinta uusan la hadli karin amar kasoo baxey wasaarada arrimaha gudaha ayaa ku dhiiradey in uu warbaahinta la hadlo isagoo sheegaya in la fashiliyey weerar uu sheegey in ay ku soo qaadeen rag ku hubeysan baasuukeyaal iyo qoryo waaweyn.
Gudoomiyaha ayaad moodaa in uu ka faa’iideysanayo xilkaqaadis la sheegey in lagu sameeyey gudoomiyaha gobolka baay c/fitaax geesey taas oo aan lagu guuleysan hirgelinteeda kadib markii ay soo farageliyeen wax garad iyo aqoonyahan kasoo jeeda beelaha dega gobolka baay.
Maxamed nuur seydii ayaa dhawaan markii faransiisku weerareen buulomareer sheegey in ay ogaayeen maamul ahaan halka dawlada dhexe iyo xukuumaduba ay sheegeen in aaney waxba kala soconin taas oo dad badani la yaabeen.




