(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Muadane C/saacid Faarax Garaad shire Shirdoon ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay danjiraha Dowladda Talyaaniga U Qaabilsan Dalka Soomaaliya Adrea Mazzela
Labada Masuul ayaa Waxa ay Yeesheen Kulan Qaatay Muddo Saacad ah Waxa ayna Inta Badan Ka Wada Hadleen Xiriirrka Labada Dal Iyo Sidii Loo Xoojin lahaa
Kulanka Markii Uu Soo Idlaaday R/wasaare Saacid Iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Adrea Mazzela ayaa Wax ay Si Wada Jir ah U Qabteen Shir Jaraa’id
R/wasaare Saacid oo Hadalka Ku Hor Maray ayaa Waxa UU U Mahada Celiyey Safiirka waxa Uuna Ku Dheeraaday Ka Hadalka Waxa ay Isla Soo Qaadeen Iasga Iyo Safiirka
Mr Saacid ayaa Sheegay In Xiriir U Cusub Uu U Bilaaban Doono Talyaaniga Iyo Soomaaliya
Dhanka kale Danjiraha Dowlada Talyaaniga U qaabishan Soomaaliya Adrea Mazzela ayaa Isna Saxaafadda La Hadlay Waxa Uuna Ugu Horeyn Ka Mahad celiyey Sida Diiran Ee Loo soo Dhaweeyey Waxa Uuna Balan qaaday In Dowladda Talyaaniga ay Dhinacyo Badan ka saacido Doonto Soomalaiya
Ugu Dambeyntii Kulanka labada Masuul Waxa Uu Ku soo idlaaday Is Fahan Iyo Is gacan qaad
(Wararka Soomaaliya) (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)







