Ra’iisalwasaare shirdoon oo booqdey afgooye lugtana soomariyey radio shabeelle iyo eheladii marxuum c/xareed cismaan aadan.

0
527

Ra’iisalwasaaraha soomaaliya ayaa booqdey deg afgooye ee gobolka sh/hoose isagoo kulamo la yeeshey madaxda degmada iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida,isagoona kala hadley arimo badan oo la xiriira amniga iyo maamulka.

Ra’iisalwasaare cabdi faarax shirdoon ayaa tan iyo intii uu noqdey ra’iisalwasaaraha soomaaliya ayaan meelna uga bixin magaalada muqdisho safarka afgooye oo ah masaafo dhan 30km ayuu safar ugu baxey,wuxuuna lugta soo mariyey radio shabeelle oo tiro wariyeyaal ah laga laayey sanadkana kii u horeeyey ee la dilo yeelatey allaha u naxariistee wariye c/xareed cismaan aadan oo labo beri kahor lagu toogtey xaafad uu ka degenaa magaalada muqdisho isagoo shaqadiisa u socda.

Ra’iisalwasaaraha cabdi faarax shirdoon ayaa tacsi u direy radio shabeele bahda saxaafada iyo eheladii uu ka geeryoodey marxuum c/xareed oo ka tagey xaas iyo labo caruura,ra’iisalwasaare saacid ayaa hore u sheegey in uu heley riboor qabyo ah lana soo qabandoono gacanku dhiiglayaashi ka danbeey dilkiisa lamana oga in uu gacan dhaqaale fidiyey maadaama uu booqdey qoyski uu wariyuhu ka baxey.