Ra’iisalwazaaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon oo maanta shir jaraa’id ku qabtey xafìiskiisa muqdisho ayaa si aad ah u soo dhaweeyey hadal dhawaan kasoo yeerey hugaanka dalka mareykanka,kaas oo sheegayey in dawlada mareykanku wixii waqtigan ka danbeeya ay aqoonsatey maamulka dawlada federalka uu hugaamiyo m/weyne xasan sheekh maxamuud,sidoo kalena ay dawlada mareykanku ixtiraami doonto midnimada soomaaliya.
Dawlada mareykanka oo safiirki u fadhiyey kenya kal hore uu sheegey in dawlada mareykanku la macaamili doonto maamulada soomaaliya ka jira ayaa hada loo arkaa in uu bedeley mawqifkiisi soomaaliya waxeyna utun ku tahey maamulo ka jira soomaaliya oo kasoo horjeeda midnimada soomaaliya,ra’iisalwasaare saacid ayaa soo hadal qaadey kiiska wariye c/casiis koronto oo toban cisho ku xiran C.I.D xarunta ay muqdisho ku leedahey iyo sidoo kale dilki maalin ka hor lagu diley wariye ka hawlgeli jirey idaacada iyo tvga shabeele magaciisana la oranjirey c/xareed cismaan aadan kaas oo uu ra’iisalwasaare saacid sheegey in si deg deg ah loo soo qabto kuwii ka danbeeyey dilalka loo geystey wariyeyaasha.
Ra’iisalwasaare saacid oo aan looga baran hadal bulshada waxtar u leh ayaan soo hadalqaadin xadgudub ay beryahan wadeen ciidamada amniga waa booliska iyo nabadsugida’e,kuwaas oo beryahan xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir qaar kamid ah dadki ku noolaa dhamaantood la soo xir xirey,kadibna ay ku andacoodeen hey’aduhu in danbiilayaal alqaacida ah ay baadi goobayaan shaqadanina ay tahey mid socondoonta iyadoo xadgudub ku ah muwaadinka soomaaliyeed.
Hadalka dr saacid ayaa kusoo beegmaya iyadoo m/weynaha soomaaliya uu booqasho ku joogo dalka mareykanka isagoo ka qeyb gelidoona caleema saarka m/weynaha dalka mareyka barack xusein obama 20ka bishan janewery 2013ka.




