Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Waxa Uu Khudbada Xasaasi oo Dhinacyo Badan Taabanayso Ka Jeediyey Shirka Madaxda Carabta Uga Soconaya Magaalada Riyad Ee Dalka Boqortooyada Sacuudiya Carabiya
Mudane Xasan ayaa Khudbadiisa Waxa Uu Inta Badan Diirada Ku Saaray Xaaladaha Cakiran EE Ka Taagan Dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya Ka Mid Tahay
Madaxweyne Xasan Oo Markii Xaaladda Guud Uu ka Hadlay U soo Jeestay Xaalada Dalka Soomaaliya ayaa Waxa Uu Xusay In ay Haatan Soomaaliya Ka Soo Reynayso SidiiHore Isla Markaana Loo Baahan Yahay In Gacab Buuxdo Lo Siiyo
“ Soomaaliya Haatan Waxa ay Bilaabaysaa In ay Ka Soo Kobacdo Xaaladihii Hore Sida Dhaqaalaha Dhib U Dhiska Garabkiinana Waa Muhiim “ Ayuu Yiri Madaxweyne Xasan Shiikh
Dhanka Kale Mr Gur Guurte ayaa Si Gaar Gaar ah waxa Uu Kulamo Ula qaatay Madaxda Dalalka Masar Iyo Ciraaq Oo ay Ku Mideysan Yihiin Jaamacadda Carabta Waxa ayna Kawada Hadleen Xiriirka Iyo iskaashiga Ka Dhaxeeya Dalalkaasi Iyo Soomaaliya Iyo Sidii Loo Xoojin Lahaa
Shirka Madaxda jaamacadda Carabta ay Isugu Yimaadeen ayaa Lagu Wadaa In Maanta La Soo Gaba Gabeeyo
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom





