Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Dowladda Dalka Kenya ayaa Safiir Cusub U soo Magacawday Dalka Soomaaliya 22 Sano Ka Dib
Danjiraha Dowladda Kenya ee Soomaaliya Oo Lagu Magacaabo Makara ayaa Saakay Durba Soo gaaray Magaalada Caasimada Muqdisho Waxaana safarkiisa Muqdisho KU Wehlinayey Safiirka Dowladda Soomaaliya U Fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nur Ameeriko
Ambassador Ameeriko Oo Markii ay Muqdisho Soo gaareen saxaafadda la hadlay ayaa Sheegay In Ula Jeedka Dowladda dalka Kenya ay U Soo Magacawday Danjira Uu yahay Sdii Loo Adkeyn Lahaa Xiriirka Labada dalka
Danjire Makara ayaa Lagu wadaa In Saacadaha Soo Socdo Uu Waraaqahiisa Aqoonsiga U Gudbiyo Madaxweyne Xasan Shiikh
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom





