Al_Shabaab Iyo Dowladaha Iskaashanaya Ee Ethopia Iyo Somalia Oo Maalinkii 2Aad Ku Dagaalamayo Deegaano Ka Tirsan G/Gedo.

0
511

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya iyo Xoogaga Al.Shabaab ayaa maanta mar kale dagaal U Dhaxeeyo Waxa Uu ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyadoo ciidamada huwanta ay doonayaan inay ka saaraan Shabaabka deegaanadi ugu dambeeyay ee ay gobolkaasi Ka Joogaan.

Sidoo Kale Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay weerareen deegaanoAl-Shabaab ku sugnaayeen, waxaana dagaalada xoogooda uu ka dhacay deegaanka May-kaa-reebay oo ilaa 20-KM u jira degmada Garbahaarey Ee Gobolkaasi Gedo.

Mid Ka Mid Ah Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen, ayna kaga dileen xarakada Al.Shabaab askar badan Kuwa Kalena Ay Dhaawaceen Siduu Sheegay Sarkaalkaasi Dowlada Ka Tirsan.

Maalmahani Dagaalada Ka Bilowday Deeganada Hoostaga G/Gedo Ayaa waxa ay noqonayaan dagaaladii ugu cuslaa ee dhinacyada isku haya Gedo ku dhex maro sanadkan cusub Ee 2013-da.