Midowga Africa Xafiikoodii Soomaaliya Oo Muqdisho U Soo Guuraya

0
508

Annadif Mohamat Salah.Ergayga Midowga Africa u soo magacaabeen Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha J.F Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Mr.Annadif Mohamat Salah Oo Ah ergayga cusub ee Midowga Africa u magacaabeen arrimaha Soomaaliya.

Sidoo Kale Danjire Annadif Mohamat Salah ayaa u sheegay madaxweynaha in uu ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho xafiiskiisana halkaas u soo rari doono sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo abxay xafiiska madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud Gur Guurte.

Mr.xasan Sh.Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay , talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya. Halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

Waxa Uu Danjire Salah sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dawladda kala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa lixda tiir ee ku qoran barnaamijka dawladda kuwaas oo asaas u ah Soomaaliya oo hagaagto.

Mr.Salah ayaa dhawaan AU u soo magacaabeen arrimaha Soomaaliya waxa uuu dhashey dalka Chad, waxaana uu xafiiska kala wareegay Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra.