Markab Siday 750 Askar Kenyaan Ah Oo Ku Soo Xertay Dekeda Magalada Kismaayo

0
471

Dekedda Magaalada Kismaayo Ayaa Lagu Soo Waramayaa In Ay ku soo xiratay markab nooca Militariga ah, oo laga lee yahay dalka Kenya, kaasoo 750 askari oo u dhashay dalka Kenya soo gaarsiiyay Dekeda Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolkaasi Jubbada Hoose.

Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Askartaasi Ka Tirsaneed ayaa waxay yihiin kuwo uu u dhan yahay qalabkooda Militari, iyadoo sidoo kalana ay bedelayaan ilaa 750askari oo Kenya ah, kuwaasoo Ku sugan Magaalada Kismaayo.

Askartaani Gaartay Kismaayo Ayaa Ujeedkoodii waxa uu yahay in lagu Badalo qaar ka tirsan Ciidamada Militariga Kenya ee joogga Magaalada Kismaayo si ay waqti ula qaataan qoysaskooda, oo muddo billo ah ay Ismoogaayeen.

Sidoo Kale Waxaa Dekeda Magaalada Kismaayo ku soo xirtay markab nooca xamuulka ah kaasoo la tilmaamay in uu saanado uu u sido Ciidamada Dowladda Kenya, ee qeybta ka ah Ciidamada Midowga Afrika Ee Ku Sugan Gudaha Qeybo Ka Mid Ah Dalka Soomaaliya.

Sida Ay Sheegayaan Warar Ka Imaanaya Halkaasi in markabkaan uu ka soo shiraacday Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoo Caasimada Soomaaliya uu ku yaalo Taliska ugu weyn Ciidamada Amisom, Ee Xaruunta Xalane.

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa waxa ay si buuxda gacanta ugu haayaan Dekeda Magaalada Kismaayo iyagoona la socda dhaq dhaqaaqyada guud ee ka jira halkaasi, waxayna kala maareeyaan wax kastaa oo ka soo degganaaya Gudaha Dekedda Kismaayo