Waxaa maanta allaha u naxariiste lagu aasey muqdisho ex-marxuum cismaan axmed rooble foodey oo ahaa wasiirki ugu horeeyey ee wasaarada maaliyada ahaana ganacsade caan ah isagoo da’da hada uu ku geeryadoodey 93 sano.
Marxuumka ayaa ahaa nin aad u wanaagsan oo dabeecad furfuran,isagoo ka tagey caruur uu dhaley iyo wax ay sii dhaleen,tiradooda ma heyno hase ahaatee waxaa marxuumka loo sameeyey aas qaran iyadoo ay aaskiisa kasoo qeyb galeen wasiiro,xildhibaano iyo madax qaran.
Marxuumka ayaa dhawaan ku geeryoodey dalka ingriiska iyadoo ay ehelidii iyo caruurtii uu dhaley ay go’aansadeen in xabaashiisa ay noqoto dhulkiisa hooyo waxaana xabaashiisa allaha u nuuriyee maanta dhinaca loo dhigey iilka laga dhexsameeyo qabriga leys geliyo marka mawdku haleelo aadane kasta oo ifka soo mara ma dhinte waa illaah laakiin qofkasta wuu dhimanayaa (inaa lillaah wa inaa ileyhi raajicuun).




