Amp. Mahiga iyo mashruuca shabaabka soo baxsada ee abuurka ah………

0
537

Ergeyga xoghayaha guud ee QM amp mahiga ayaa la tegey qaramada midoobey mashruuc uu doonayo in uu dhaqaale ku hello,mahiga ayaa la sheegey in uu xoghayaha guud bankimoon uu u gudbiyey warbixin sheegeysa in maalin kasta ay ugu yaraan 200 ilaa 300 dhalinyaro ahi ay kasoo goostaan alshabaab ayna u baahanyihiin in la xareeyo lana xanaaneeyo oo aan loo ogolaan bulshada kale in lagu dhexdaayo,si buu yiri aysan fursad ugu helin in ay is qarxiyaan inta goosasho sheegtaan.

Amp mahiga ayaa arinkan la soo qaadey prof xasan sheekh maxamuud m/weynaha dawlada federalka ah,isagoo mahiga sheegey hadii qorshahan qarash loo helo in dagaalka lagaga adkaanayo xarakada alshabaab,wuxuuna mahiga wataa qorshe hada ka hor ciraaq lagu tijaabiyey ugu danbeyntiina shaqeyn waayey kaasoo ahaa balanqaad lacageed iyo tababar la siiyo qofkii kasoo goosta alqaacida.

Qorshahan uu mahiiga wado ayaa hadii uu hirgalo waxaa faa’iido ugu jirtaa hey’adda nabadsugida oo gacanta ku heysa dadka la sheego in ay shabaabka kasoo goosteen.

Waa markii ugu horeysey ee mahiga mashruuc ula yimaado madaxda dawlada soomaaliyeed ilaa iyo intii laga soo rarey nairobi oo ay ku cuni jireen lacagaha kaalmada loo siiyo soomaalida,waxeyna tani muujineysaa in mahiga busaaradi soo wajahdey,duruufini ay ku khasabtey in uu abuuro mashaariic aan jirin oo aan waxtar laheyn.