KISMAAYO OO U MUUQATA IN NAIROBI KENYA LAGA MAAMULAYO,IYADOON WAX HADAL AH LAGA HEYN M/WEYNE XASAN SHEEKH MAXAMU’D.

0
484

Magaalo xeebeeda soomaaliya ee kismaayo ayaa u muuqata mid laga maamulo ama laga xukumayo caasimada kenya ee nairobi,iyadoo sida la ogyahey ay joogaan ama ay dagaal kaga qabsadeen xarakada alshabaab oo hore u maamuli jirey isla markaana ay jiraan wufuud qaarkood loo diidey in ay magaalada galaan qaarna lagu soo dhaweeyey ayey dad badani waxey isweydiinayaan ciidamada dalka kenya ma iyagaa qabsadey kismaayo mise soomaali ayey u qabteen?

Danaha ay laheyd kenya oo lawada ogyahey ayaad moodaa in ay kenya qaldeyso caalamka,sida iyadoo codsatey in biyaha soomaaliya loo fasaxo si maraakiibteedu xeebta kismaayo usoo buuxiyaan una sheegtaan bad iyo beriba lahaanshahooda,balse qaramada midoobey wey diidey codsigaas waxaana amar lagu siiyey kenya in ay maraakiibteeda kala baxdo biyaha soomaaliya,sidoo kale waxaa dhacdey in dawlada soomaaliya ay wafti u dirtey magaalada kismaayo dabadeedna markii ay garoonka ka dageen uu diidey ninka xukuma ciidamada kenya oo u muuqda barsaabka loo soo magacaabey gobolkaas in ay magaalada galaan,halka wafti kale oo igad kasocda oo isna kismaayo tagey si heer sare ah loo soo dhaweeyey.

Ficiladaas iyo kuwa kale oo badani waxey muujinayaan in magaalo xeebeeda kismaayo ay tahey hada magaalo laga maamulo nairobi oo ah caasimada kenya,waxaana laga yaabaa hadii xaalku sidaan kusii socdo in ay horseedo dagaal dublamaasiyadeed iyo mid shacabba,sida uu noo xaqiijiyey gud.kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic oo in badan ka hadla ciidamada shisheeye iyo joogitaankooda dalka soomaaliya.