Waxaa maanta ku geeryoodey gobolka hiiraan magaalada b/weyne taliyihii ciidanka dawlada ee gobolkaas kadib markii askeri ka tirsan isla ciidamada uu xukumayey uu toogtey.
Lama garanayo sababta ka danbeysa in askeri ciidamada ka tirsan uu toogasho ku dilo taliyihiisii,iyadoo dhawaana gobolka sh/dhexe lagu diley taliyihii guutada 5’aad ee ciidanka xooga dalka soomaaliya genenka lagu magacaabi jirey maxamed ibraahim gordan,iyadoo dilkiisa la tilmaamayo in aysan ka marney shirqool ciidamada dhexdooda ah.
Ficiladan ayaa imanaya xilli dawlada federalka soomaaliya ay dagaal kula jirto xarakada alshabaab,iyadoo aan la ogeyn sida ay ciidamadu isu aamini karaan dhexdooda ama bulshadu ugu kalsoonaan karto,waana timaado cusub oo hadda la arkayo meesha ay saldhigan doontana aan la ogeyn.




