Madaxweyne Xasan Sh.MAx’uud Guur Guurte Oo Maanta Ka Duulay Muqdisho Una Duulay Uganda

0
688


Xassan Shiikh Maxamuud Guur Guurte Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar ugu baxay dalka Uganda.
Safarka Madaxweynaha ayaa noqonayaa kii u horeeyey ee dalka dibadiisa ku tago tan iyo markii loo doortey Madaxweynaha Soomaaliya .

Sidoo Kale Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira in uu ka qaybgalo dabaaldega iyo xuska loo samaynayo maalinta xoriyada ee dalka Uganda, taas oo 50 sano jirsatey.

Madaxweynaha waxaa horey u sii raacey qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Lataliyaal iyo weliba shaqaalaha Madaxtooyada xubno ka socda.

50 guurada ka soo wareegtey maalinta xoriyadda Uganda waxaa ka soo qaybgalaya Madax ka kala socota caalamka, oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Masar ee shacabku soo doortey Maxamed Mursi.

Dowlada Uganda waxaa ka jooga Soomaaliya ciidanka u badan ee ka socda Midowga Afrika, waxaana uu safka hore kaga jiraa dalalka muddooyinkan danbe saameynta kuleh siyaasadda Soomaaliya Iyo Waliba Dagaalada Ka Oloolsan Soomaaliya