Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasey magaalada hargeysa abwaan maxamed xaashi dhamac (gaariye)

0
642

Allaha u naxariistee waxaa maanta laga soo dejiyey meydka marxuum gaariye,gegida diyaaradaha berbera,iyadoo laga keeney dalkaasi norway.

Marxuumka ayaa waxaa loo sii galbiyey xagaa iyo xabaashiisa allaha u nuuriyee oo laga diyaarshey magaalada hargeysa oo uu inta badan noloshiisa uu kusoo qaatey(inaa lillaahi wa inaa illeyhi raajicuun).

Marxuumka oo ay galbinayeen gudi m/weyne siilaanyo uu dhawaan magacaabey ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galey madax iyo dadweyne ay ka mid ahaayeen m/weyne siilaanyo,abwaan hadraawi iyo wasiiradii loo xilsaarey aaskiisa iyo dadweyne kuligood kawada murugeysnaa geerida marxuum Gaariye.

Abwaanka oo ahaa abwaan caan ka ah inta afka soomaaliga ku hadasha ayaa maanta la huwiyey marada astaanta u ah somaliland loogana dhigey in heer qaran loo aasey taasoo dad badani saluugeen,sheegeena in abwaan gaariye kasareeyey heerka maanta loo aasey abwaan hadraawi iyo kuwo kalena sidaas oo kale lala rabo hadey toodu timaad.