Waxaa allaha u naxariistee abwaan maxamed xaashi dhamac oo dhawaan ku geeryoodey dalka norway la keenayaa meydkiisa ciidiisa hooyo(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).
Abwaanka ayaa qeyb weyn ku lahaa korinta iyo qoraalka afka soomaaliga,isagoo mar bare ka ahaa jaamacadda lafoole,intii danbe ee noloshiisa aheydna wax ka dhigi jirey jaamacado ku kala yaala dalka gudihiisa iyo debediisa wuxuu ahaa nin furfuran kaftama suugaantana dadka kaga qosliya,waa abwaan lagu xasuusan karo silsiladii deeley iyo kuwo kale oo soomaalidu wada taqaan.
M/weynaha s/land siilaanyo ayaa aaska abwaanka u magacaabey 10xubnood oo isugu jira wasiiro aqoon yahano iyo maayerka hargeysa kuwaasi oo looga fadhiyo in ay abwaanka lagu aaso si heer qaran ah,allaha u naxariisto xabaashiisana ha u nuuriyo soomaalidii uu ka baxeyna samir iyo iimaan allaha ka siiyo a a m i i n, a a m i i n.




