Mudane C/nuur Axmed (Darmaan) madaxweynaha Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed haatana ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee soomaaliya oo wareesi gaar ah siiyey idaacada sahan ee magaalada muqdisho isago ku sugan dalka dibadisa ayaa waxa uu ka hadlay arimo farabadan oo uu sheegay haddii uu ku guuleysto hanashada madaxtinimo ee dalka soomaaliya in uu waxyaabo Haatan daahsoon Uu soo faagi doono isla markaana ay dowladisa wax qabad wanaagsan u soo bandhigi doonto shacabka soomaaliyeed
Mr.Darmaan”wadahal beynu la gali doonaa mujaahidinta al-shabab mabda’a haatan ay ku taaganyihinna wan ku mideysannahay maadama ay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka soomaaliya inaguna taasi weynu la qabnaa” ayuu yirri mudane darman oo ah musharraxiinta ugu cad cad ee u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee soomaaliya
Hadalkaani ka soo yeeray Madaxweyne Darmaan ayaa imaanaya xilli Ay isasoo tarayaan musharaxinta olalaha baahsan ugu jira in ay mar’uun gacanta ku dhigaan xilka madaxweynenimo ee soomaaliya iyadoona midba midka kale uu u afmaceynayo shacabka uu Oonka baahsan u hayyo in ay dowlada mudo 21sano ugu dambeysay ay haatan helaan.
BALSE WEXEYNU KA WAR SUGI DOONNAA CIDA HANAN DOONTO XILKAANI XARAG JIIDKA AH IYO WAXQABAD BEENAADKANI OO UU MIDBA MIDKA KALE SHACABKA KU SASABAYO.




