Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Guddoomiye Ku xigeenka XMJS Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay In La soo Hor Mariyo Doorashada Madaxweynaha.

0
545

( Wararka Soomaaliya wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Guddoomiye Ku Xigeenka XMJS Ahna kusimaha Madaxweynha Xisbiga Muddane Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Ayaa Waxaa uu Sheegay inay Sharci Daro tahay In La soo hor Mariyo doorashada xilka madaxtinimada Dalka Soomaaliya ayadoon wali La Dooran Guddoomiyaha Baarlamanka Sharci ahaana Loo Baahanyahay  in la soo Hor Mariyo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka.

Mr Tima Jilic ayaa Sidoo kale Sheegay Inay tahay wax Laga xumaado In dalkeena soomaaliya Marba Marka Ka dambeyso uu Sii Galayo  mugdi Siyaasadeed Ayadoona Umadda Soomaaliyeed Looga Baahan yahya inay gartaan Halka dibin daabyada ka jirto  isla markaan Gacmaha is qabsadaan Si Looga Gudbo Marxaladda Adag uu Dalka Ku jiro

Hadalkani ayaa waxa uu Ku soo Beegmayaa Xili Madaxweynaha XMJS uu Ka warbixiyay In Xisbigiisu iyo  Xaraka Mujaahidiinta Al-shabeeb ay ka mideysan Yihiin Mabaadii Dhowr-ah sida Ladagaalanka ciidamada Shisheeye Iyo Ka Soo Horjeesashada TFG-da Sidoo kale waxaa uu sheegay in mujaahidiinta al-shabaab ay xisbigiisu Haduu Dalka Madax ka noqdo ay Dhaqso isku afgaran doonaan ugana yeeri Doono Miiiska Wada hadalka .