Daryanka Madaafiicda oo Maanta laga Maqlay Laanta Buur Ee gobalka Shabeellaha Hoose.

0
762

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

 

Madaafiic goosgoos ah oo udhexeya xarakada alshabaab iyo ciidanka DKMG ah ee soomaaliya oo laga maqlay deeganka laantabuure ee Gobolka shabellaha hoose.

Dadka deeganka oo lahadlay saxaafada ayaa waxay usheegen in laantabuure laga maqlay madaafiic culculis oo ay isweydarsanayaan ciidamada DKMG ah eesoomaaliya iyo xarakada alshabaab.

Ciidanka soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gaaren qeyba ka mida gobolka shabellaha hoose ayaa waxa soo kordhayay dagaalada  udhexeynaya maamulada xarakada alshabaab ee laga saaray qeyba ka mida gobolka shabeelaha hoose oo ay kala wareegen ciidamada isbiirsanaya ee kuwa DKMG ahh ee soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka soomaaliya.

Ujeedka dagaalada ka socaya qeyba ka mida Gobolka Shabeelaa hoose ayaa ah mid lagu doonayo in guud ahaan xarakad alshabaab looga saaro deeganada gobolka ay kaga sugan yihiin.

Maqalka madaafiicda ee ay adeegsadaan labada dhinac ayaa waxay walaac xoogan ku abuuren shacabka ku nool deeganada lagu duldagaalamayo waloo dadka qaar ay yihiin kuwa goor sii horeysay ay faarujiyeen magaalooyinka  qaar si ay saameyn ugu yeelan dagaalada ka soo cusboonaaday shabeelaha hoose.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya.

Madaafiicdaani waxa ku soo Kordha kala soco Wakaaladda wararka Warsom.com