Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dastuurka loo ansixinayo qaab KMG ah inta afti guud looga qaadayo.

0
490


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in marka si KMG ah loo ansixiyo Dastuurka uu ku dhaqan galayo Afti dadweyne, isagoo xusay in ka hor bisha Agosto ay rajeynayaan in Gobolada dalka uga saaraan Xarakada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in 825-ta xubnood ay si KMG ah u ansixinayaan dastuurka, waxaana uu cadeeyay in wixii ka dambeeya marka la ansixiyo dastuurka laga gudbi doono xilliga kala guurka, loona gudbayo Dowlad rasmi ah.

“825-ergooyinka ee ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka waxay si KMG u ansixin doonaan Dastuurka, kadib wuxuu mari doonaa Afti dadweyne, marka Gobolada laga xoreeyo Al-Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalay uga qeyb galay Hoolka shirarka Xalane oo ka dhacayay kulan looga hadlayay xoriyatul qowlka iyo qeybta Dastuurka kaga aadan Saxaafada.

Inkastoo wax badan ay dib u dhaceen, gaar ahaan mudadii la doonayay in lagu soo xulo ergooyinka ansixin lahaa Dastuurka, ayaa hadana waxaa wali muuqanaya is qab qabsi badan oo ka taagan Dastuurka qodobada ku qoran.

Odayaasha Puntland oo ka mid ahaa madax dhaqameedyada ka qeyb galayay shirka Odayaasha ayaa isaga baxay, dibna ugu laabtay Garowe, iyagoo xusay in ay ka biyada diidan yihiin qodobada qaar oo aan masiirka umada ka turjumeyn.

Si kastaba ha ahaatee Saxiixayaasha Road Map-ka ayaa diidan qaarkood Dastuurka, iyadoo lagu wado in Addis Ababa lagu qabto todobaadka soo socda kulan looga hadlayo Dastuurka oo ay yeelanayaan dhinacyadii saxiixay Road Map-ka.

Xafiiska War qabadka Warsom.com
Muqdisho,somaliya