Wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la
hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qabyo qoraaleedka
dastuurka ee ay dowladda KMG ku howlantahay ansixintiisa ay sameyntiisa ku
lugleeyihiin dad ajaanib ah oo qaarkood ka tirsan Qaramada Midoobay sida uu
hadalka u dhigay.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in qabyo
qoraalka dastuuka cusub ee lagu wado inay Soomaaliya yelato ay ku lugleeyihiin
dad ajnabi ah, isla markaasna ay dadkaasi wax ka qoreen dastuurka haatan lagu
murunsanyahay, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay in qaarkood ay u shaqeeyaan
Qaramada Midoobay.
Wasii Xoosh ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dadkaasi ay yihiin dad quburo ah
oo ay xukuumadda KMG Soomaaliya u yeeratay, wuxuuna tilmaamay in dowladdo badan
oo caalamka ka tirsan ay ku gacnsiiyeen dadkaasi ajnabihga ah ee dastuuka wax ka
qoray sameeynta dastuurkooda, isagoo xusay in dastuurkii la sameeyay sanadkii
1960-kii sameyntiisa ay dowladdii Soomaaliya ka gacan siiyeen sida uu hadlaka u
dhigay dad Talyaani ah, haddana aan laga maarmin dad ajaanib ah oo sameeynta
dastuurka ku gacan siiya dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh
Jibriil ayaa soo hadalqaaday xuquuqda uu haweenka siinayo dastuurkan cusub, kaas
oo u ogolaanaya inay qabtaan jago sare, waxana uu sidoo kale sheegay inaanu
jirin hadalka ah in caalamku ay ku dowladda KMG in haweenka door muhiim ah ay ku
yeeshaan siyaasadda dalka, isla markaasna ay qaban karaan xilalka ugu sareeya
dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Faderalka
xukuumada KMG Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxa uu beeniyay in dastuurka ay ku
jiraan qodobo ka horimaanaya shareecadda Islaamka, waxaana uu tilmamay in
hadaladaasi ay jeedinayaan dad dano gaar ah leh sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya





