
SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida oo Kaabayaan Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran Ee Loo yaqaan ALFA GROUB ee Dowlada Soomaaliya Ayaa Maanta Waxaay Hawl-galo Balaaran Ka Wadaan Suuqa Bakaaraha Gaar Ahaan Suuqa Cabdalla Shiddeeye.
Sida Horay looga Bartaba Ciidamada Nabad Suggida Ayaa wax Xereen Dhamaan Isku Socodka Wadada Hawl Wadaag Ilaa Wadada 1-aad ee Suuqa Bakaaraha, waxaana Halkaasi Loo Diiday inay Isticmaalaan Gawaarida , iyadoo dadkuna laga celinayo Wadadaasi.
Hawl-gallada Xilligaan Ka Soconaaya Suuqa Cabdalla Shiddeeye Ayaa Waxa uu ku Soconayaa si Dardar ah , Waxaana Taako taako wadooyinka u taagan yihiin ciidamda dowlada.
Ciidamadaan Ayaa Waxay Hawl-gallo Balaaran Ay Maalintii Labaad Ka Wadaan Suuqa Bakaaraha iyadoo Maalintii Shalay Ciidamada Halkaasi Hawl-galada ka qabanayay Lagu soo weeraray Bambooyin.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Soomaaliya.




