War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Xukuumada TFG-da Oo Lagu Soo Bandhigay Goobaha Ay Kala Wareegeen Xarakada Al-shabaab (Aqriso Engalish Iyo Somali)

0
606

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegay Warshadda Baasatada

(Muqdisho, 10 Oktoobar 2011) Ciidamada TFG iyo kuwa AMISOM ayaa qabsaday Warshadada Baastada, Ex-Kontorool Balcad iyo Isgoyska SOS, iyo Galgalato oo ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan, iyadoo howlgalkan uu qeyb ka yahay nabadeynta magaalada Muqdisho.

Tallabadan ayaa timid kaddib markii ciidamada ay billaabeen inay la wareegaan dhinaca waqooyi ee magaalada, kana eryaan xagjirka xiriirka la leh Al-qaacida.

Dhismaha Warshadda Baastada wuxuu ahaa xarun howlgal oo ay kooxda xagjirka ah madaafiic kaga soo tuuri jirtay meelaha ay shacabku deggen yihiin. Howlgalkana waxaa loogu talogalay in lagu badbaadiyo nafta shacabka dhowaan dib ugu laabtay guryahooda.

DHAMMAAD

———————————————–

Press Release

TFG/AMISOM forces take control of Pasta Factory

(Mogadishu, October 10, 2011) TFG and AMISOM forces have taken control of former Pasta Factory, Ex-Control Balad, Inter SOS junction, Galgalato in Heliwa and Kaaraan districts as part their operations to fully secure Mogadishu.

This comes as operations have started to take control northern corridor and drive the Al Qaeda-linked extremists out of the city.

The Pasta Factory compound was an operational hub for the extremists in which they shell civilian targets. This operation is intended to save the lives of the people who have returned to their homes.

ENDS

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)