Wariye Max’uud (Carab) Oo 13-Ka Bishan La Saari Doono Maxkamada(Fiiri Eedemaha Iyo Qodobada Loo Cuskaday)

0
1519

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )
Wariye maxamud maxamed daahir (max’ud carab) oo 19kii bishi july lagu
xirey xarunta PS-ta dawlada TFG-da Soomaaliya ayaa iska xirnaa
ilaa iyo waqtigaan iyadoo kadib dadaal badan oo ay sameeyeen Eheladiisa iyo
rag ay saaxiibo dhaw ahaayeen ay ku guuleysteen in qareen loo qabto

Wariyaha lana hor keeno maxkamad aan sharci aan u laheyn qaadista
dacwadiisa waana maxkamada ciidamada qalabka sida

wariye maxamud carab ciidan shaqo kuma laha ma hubeysneyn mana jiraan wax astaan
ciidan ama qalab lagu qabtey isagoo denbi faraha kula jira waa nin
wariye ah oo ku shaqeynayey xeerka iyo nidaamka u yaal saxaafada xorta
ah.

Wuxuu xaq u lahaa in laga dacweeyo maxkamadaha qaada dacwadaha
dadka shacbka ah isagoo shaqadiisa wata xarigna xaq uma laheyn iyadoon
denbi lagu helin.
Waxaase isweydiin mudan waa maxey qodobada loo cuskanayo eedda been
abuurka ah ee hada madasheeda la shaaciyey.
1-waa shabaab 22 jir ah ka tirsanaa al-shabaab wuxuu la shaqeyn jirey
madaxda warfaafinta alshabaab gaar ahaan ninka lagu magacaabo Yoonis
Waxaana ku qora website uu leeyahey oo lagu magacaabo Warsom kaas oo
lagu dacaayadeeyo dawlada iyo masuuliyiinta qaranka.
Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida markuu arkey qodobada
70 71 ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyed sidoo kale gungaarka
tix-HNQ/BD/528/011 kuna taariiqeysan 07/09/2011 waxaan kusoo eedeyney
suuratul maa’idda aayadeeda 33aad iyo qodobada 221 xeerka ciidamada
somalia iyo 271,451 xeerka ciidamada soomalia

Waxaan maxkamada ciidamada qalabka sida ka codsaneynaa in la cayimo qaadista dacwadiisa
loona yeero marqaatiyada.
Marag1aad Kiis Baare Bashiir C/WARSAME (Naxar)
Wabilaahi toowfiiq.
Dhame Liibaan Cali Yarrow.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )