Ciidamada difaaca circa xarakada mujaahisdiinta Al-Shabaab oo diyaar garow ugu jira diyaaradaha C IA-da Mareykanka

0
521

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Ciidamada difaaca cirka Gobolada Jubooyinka oo loo dhameystiray qalabkooda ciidan ayaa heegankii ugu sareeyey ku jira ka dib markii mid ka mid ah Diyaaradaha wax basaasa oo laga leeyahay dalka Mareykanka ay shalay Xarakada  Mujaahidiinti Al-shabaab ku soo rideen  xeebta magaalada Kismaayo Ee Gobolka J/hoose

Taliska ciidanka amaanka Ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegay in Diyaaradaasi ay ka soo kacday badda islamarkaana ay ka mid tahay Diyaaradaha Mareykanka ee uu ku basaaso Shacabka Soomaaliyeed balse Xarakada Al-shabaab ayaa ku guuleestay  in ay Diyaaradaas dhulka soo dhigaan.

Ciidamada Al-shabaab gaar ahaan kuwa u tababaran Difaacida cirka ayaa rasaas cul culus la helay Diyaaradda xilli ay jawi hoose ku socotay waxaana suura gashay in ay ku soo dhacdo xeebta magaalada Kismaayo,

Ciidamada Xarakatu Shabaab Al Mujaahidinta ayaa gacanta ku dhigay Diyaaraddii iyo qalabkii ku rakibnaaba.

Diyaaradan ayaa waxa ay ka mid ahayd kuwa sida gaar ah ay u adeegsato hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA-da  waxaana ku xirnaa Kaamarooyin waa weyn oo meelo fog fog wax ka duuba.

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com