Ahlu Sunna Oo Bilowday Uruursiga Hubka Maleeshiyo Beeleedyada Ku Sugan Goobaha Ay Maamulaan

0
648

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )

Hub Ka Dhigis La Shegay in ay Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ku amartay Maleeshiyaad ku sugan deegaanka  Xanab-buure ee gobolka Galgaduud Kuwaaso oo  dhawaan deegaankaasi uu dagaal qasaaro gaystay ku dhexmaray labo Maleeshiyo.

Gudoomiyha Maleeshiyo beeleed ku sugan deegaanka Xanab-buure, Laguna magacaabo Cabdi Cabdulle Faarax ayaa sheegay in Maamulka Ahlu Sunna ay ku amreen Kooxdaasi inay dhigaan hubka islamarkaana ay kusoo wareejiyaan Maamulkooda si loo hakiyo dagaal beeleedyada inta badan ka dhaca gobolada ay intabadan maamulaan Ahlu Sunna.

Cabdi Cabdulle Faarax ayaa Sidoo Kale waxaa uu Sheegay in arintaasi ay sharci daro tahay islamarkaana aan loo baahneyn in hubka la dhigo, wuxuuna tilmaamay in Maleeshiyadaasi ay ahaayeen Maleshiyo beeleed islamarkaaana hubka ay ku difaaci jireen NafsadoodaIslamarkaana waxa uu sheegya in ay Suura Gal aheen kana soo horjedaan hadalka Ahlu Sunna

(Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com )