(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Maanta Ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee amniga dalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada TFG-da ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ayaa Maanta Shir guddoominayey Iyo . Amb “Augustine Mahiga Oo Ah Wakiilka Gaarka ah Ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Walibav Mr. Wafulu Wmanyinyi Oo Ah. kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Arimaha Dalka Somalia
Maanta Ayaa Waxaa Lagu Qabtay Shirkani Gudaha magaalada Muqdisho Iyadoo sidoo kale ka soo qeyb galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, midowga Yurub waxaana goob joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden.
Kunka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta LA Hadlay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga Ayagoo sheegay in kulanku uu ahaa mid taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay ay tahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya
Masuuliyiintaasi Ka Hadlay Shirka ayaa sheegay in looga arrinsaday Shirka arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo Ay Ku Dheehantahay
Mahiga ayaa Sheegay In Kulankan jawaab u yahay horumarka laga gaaray nabadda Soomaaliya gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al shabaab, waxaana kulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan 2 bilood kadib oo maanta ka bilaabaneysa” ayuu yiri Mahiga oo xusay in Q/midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn ku sameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada Ay Ka Arimiyaan Dowlada TFG-da.
Sidoo Kale. Cabdiweli Gaas ayaa xusay in kulankani uu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wada jirka ah ee Amnigu yeesho balse siddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa “Dowladda Federaalka shirkani muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Soomaaliya waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaan dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





