Shirqoolk Ay Sameeyeen Cusmaan C/laahi Guure Iyo C/casiis Afrika Ayna Xabsi Ku Geeyeen Wariye Maxamuud Maxamed Daahir Carab

0
328

 

Wararka Soomaaliya

Waxaa wax lala yaabo ah in c/casiis afrika iyo cisman C/laahi Guure oo ku
sifoobey hagardaamo iyo dhagar ay wariyeyaal badan u dhigeen ay maanta
farxad la daasho daashoonayaan iyagoo is leydin ma oga dadkana dhahaya
anaga nooma xirna wariye maxamud carab waa yaabe ma wax la sheego ama
la qoro ayaa alshabaab lagu noqdaa,hadiise ay denbi tahey in wax la
sheego maa la xiro idaacada kulmiye oo maalin kasta sheegeysa warar
been ah oo ay ka faafiso madaxda qaranka iyo hey’adaha qaramada
midoobey maa la qabto SHABEELLE oo sheegeysey in madaxweynaha qaranku
xaday lacag qaranku leeyahey mise micnuhu waa miskiin ayaa misko la
fuulo leh ee kuwaas lalama hadli karo.
Waa xaqiiq in wariyeyaal maanta Aakhiro jira loo yeerey lana diley waa
xaqiiq in Cusmaan C/laahi Guure la aaminey uuna dhacey lacag iyo qalab uu
lahaa milkiilaha idaacada shabeele c/maalik tanina waa mid umadu uwada
jeedo ee aan aragno halka iyo waxa ay ku danbeeyaan nimanka shirqooley
wariye maxamud maxamed daahir carab. Wixii warar ah ee nagu soo kordha
si dhaqso ah ayaan idiinla socodsiin doonaa insha allah.
Waxaa habeenkii labaad xabsiga ku hoyanaya wepmasterkii warsom maxamud
maxamed daahir carab kadib markii saakey laga kaxeystey saldhiga
afarirdood lana geeyey xarunta psta muqdisho .