Ra`iisal wasaaraha somaali ameyrikaanka gaas oo booqday dhaawacyada ciidamada shisheeye ee amisom

0
240

                                           

                                            wararka soomaaliya

                       Ra`iisal wasaaraha soomaali ameyrikaanka C/wali Max’ed Cali (gaas) yaa waxa uu kadib waxaa uu booqday dhaawacyada ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa shisheeya ee amisom oo jiifa Isbitaal ay Maamulaan Ciidamada AMISOM oo ku yaalla Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi Ra’iisul wasaaraha somaali amryrikaanka  uu salaan kaga qaatay Ciidamadii ku dhaawacnmay dagaalada kasocda magaalada muqdisho.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagay halkaas ayaa waxay aheyd mid uu xaaladaha halkaas ka jira ugu kuur galayay, gaar ahaan Isbitaalka Ciidamada shisheeye  AMISOM gacanta ku hayaan oo ay ku jiraano bukaano fara badan iyo dhaawacyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa amisom.

Intaas kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu kulan albaabada u xirnaa uu la qaatay Saraakiisha u sareysa Ciidamada shisheeye  oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah .

Gaas  ayaa waxaa uu Ciidamada shisheeye kala wareegay Qalab isugu jira Gawaari iyo Mootooyin ay ugu tala galeen Dowladda KMG si ay qeyb uga noqoto dagaalada ay kawadaan maqdisho  isagoo Ra’iisul Wasaaraha ka mahad celiyay qalabkaas.

Dhawaan ayay aheed markii uu mahingo uu booqday dhaawacyada ciidanka ee kujra isbataalka xalane isagoo aad uga naxay halista ay qabaan dhaawacyada amisom.

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111