XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA TFG-da OO KA HOR YIMID MADAXWEYNAHA ISMAHDIYAY EE DALKA UGANDA

0
550

Qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa sheegay haddii loo kordhiyo madaxda Tfg-mudo sanad ah in uu siibadan doono xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo shacabka soomaaliyeed

Sidoo kale xildhibaanadaasi ayaa xusay qaabka shisheeyaha ay kula dagaalamayaan mujaahidiinta al shabaab in ay tahay mid qaldan
xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale ayaa eedeen kulu u soo jeediyay madaxwdynaha ismahdiyay ee dalka Uganda uwerry musafany waxa uuna ka tilmaamay in uu isku haysto in uu yahay madaxweynaha dalka soomaaliya
xildhibaan Caaraale oo si hadlayay ayaa xusay in faragalin dhanka dastuurkooda ah uu ku hayo madaxweynaha dalka Uganda waxa uuna ugu baaqay Uwerry musafany in uu ilaaliyo qaranimada soomaaliya
Hadalkaani ka soo yeeray xildhibaanada Tfg-da ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan madaxweynaha ismahdiyay ee dalka Uganda uwerry musafany uu sheegay in muda halsano ah loo kordhiyoyo madaxweyne shariif-ka soomaaliya iyo xukuumada soomaali amerikanka Farmaajo waxa uuna xiligaasi si isfoota ah uu ugu yiri “baarlamaanka soomaaliya waxba ma doorankaraan maxaa yeelay ma jirto cid soo dooratay isla markaana ay matalaan”hadalkaasi oo ay si weyn ugu caroodeen baarlamaanka dowlada soomaaliya inkastoo aysan jirin wax oo ay u dhimi karaan madaxweynaha gaalka ah ee Uwerry Musafany.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)